25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Wasiirka difaaca Israa’iil oo shaaciyey sir la qarinayey oo ku saabsan Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israel, Israel Katz, ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisu muddo sanado ah uu “si qarsoodi ah” ula shaqeynayey maamulka Somaliland, xilli uu kulan la qaatay madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Katz ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Israel, halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku jooga dalkaas. Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka labada dhinac uu galay marxalad cusub, kadib markii Israel ay bishii Diseembar noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqa inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991.

“Israel iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo ku dhisan dano wadaag ah, qiyam dimoqraadi ah, iyo ballanqaad ku aaddan amniga iyo xasilloonida. Muddo sanado badan ah waxaan si qarsoodi ah isaga kaashannay hawlo taxane ah oo sii ahaan doona sir,” ayuu Katz ku yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka difaaca Israel ayaa intaas ku daray in Tel Aviv ay hadda dooneyso inay iskaashiga amni ee kala dhaxeeya Somaliland gaarsiiso heer cusub.

“Hadda waxaan go’aansannay inaan iskaashigeenna amni gaarsiino heerar cusub, si ay uga faa’iideystaan labada shacab iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Katz.

Sida lagu sheegay bayaanka xafiiska Katz, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Israel tegay Axaddii, waana safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah oo uu ku tago dalkaas. Inta uu socdaalka ku jiro, Somaliland ayaa sidoo kale safaarad ka furatay magaalada Qudus, taas oo ah tallaabo kale oo muujineysa in xiriirka labada dhinac uu si muuqata u soo shaac baxay.

Socdaalka ayaa yimid toddobaadyo kadib markii Israel ay magacowday safiirkeedii ugu horreeyay ee Somaliland, taas oo timid kadib markii maamulka Hargeysa uu isna magacaabay ergay u qaabilsan xiriirka Israel.

Arrinta ugu xasaasisan ee ka dhalatay xiriirkan ayaa ah suurtagalnimada jiritaanka iskaashi amni ama mid militari oo hore uga dhex jiray labada dhinac. Diblomaasi reer galbeed ah oo la hadlay AFP horaantii sanadkan, islamarkaana codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in “ay jirto mala-awaal ballaaran oo ah in Israel ay horey u lahayd joogitaan militari ama amni oo ku sugan dalka.”

Sidoo kale, Jenaraal hore oo Israel u dhashay, Amir Avivi, ayaa bishii May u sheegay madal lagu magacaabo Israel Defense and Security Forum in ciidamada badda Israel ay ka howlgalayeen aaggaas.

“Dadku ma oga, balse ciidamada badda Israel waxay ka howlgalayeen aaggaas,” ayuu yiri Avivi.

“Israel waxay ka dhisaneysaa awooddo Somaliland… hadda waxaan leenahay saldhig,” ayuu sii raaciyey.

Hadalka Katz ayaa noqonaya mid si cad u muujinaya in xiriirka Israel iyo Somaliland uusan ahayn mid cusub, balse uu muddo dheer ku socday qaab hoose, ka hor inta uusan hadda si rasmi ah u soo bixin. Xiriirkan ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan aqoonsiga Somaliland, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli u aragto Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News