Degmo kasta oo horumartay waxay leedahay maamul hiigsanaya qorsheyaal fog; hoggaan aan eegin oo keliya maanta, balse dejiya qorshayaal 5 ilaa 10 sano ah, si loo hubiyo in jiilka dambe ay helaan degmo ka wanaagsan tan maanta jirta.
Degmada Kaaraan oo ka tirsan gobolka Banaadir waxay sannadahan dambe ku tallaabsatay horumar baaxad leh oo taabanaya dhinacyo kala duwan, sida amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda iyo dhismaha maamul u adeega bulshada. Horumarkaas ayaa ku yimid hiigsiga fog ee maamulka loo soo magacaabay degmada.
Tan iyo markii loo soo magacaabay maamulka degmada Maxamuud Cabdullaahi Socdaal, wuxuu iskaashi dhow la sameeyay dadka deegaanka, taasoo u saamaxday inuu ku guuleysto in Kaaraan laga dhigo mid ka mid ah degmooyinka ugu firfircoon caasimadda, arrintaas oo aan horay u dhicin. Maamulku wuxuu mudnaanta koowaad siiyay amniga, oo ah laf-dhabarta horumar kasta oo ay degmadu gaarto, wuxuuna muujiyay dadaal weyn oo dhanka nabadgelyada ah.
Guddoomiyaha degmada, Maxamuud Cabdullaahi Socdaal, oo ka mid ah dhallinyarada wax bartay ee jaaniska u helay inay dadkooda u adeegaan, ayaa ku guuleystay inuu xaqiijiyo hiigsiga shacabka degmada iyo in Kaaraan ay ka dhex muuqato degmooyinka gobolka Banaadir. Magacaabistiisa kadib, waxaa degmada ka hirgalay barnaamijka isku-xirka deriska, kaasoo u saamaxay ciidamada amniga iyo shacabka inay yeeshaan xiriir toos ah, si looga hortago falalka amni-darrada ah.
Maamulka degmada wuxuu diiradda saaray furitaanka waddooyinka iyo ku rakibidda layrarka ku shaqeeya cadceedda, taasoo meesha ka saartay mugdigii ay ka faa’iideysan jireen kooxaha falalka dambiyada geysta iyo ciyaal-weerada.
Maamulku wuxuu sidoo kale howlgallo xiriir ah ku qaaday fariisimaha kooxaha burcadda ah iyo meelaha lagu iibiyo maandooriyaha, taasoo hoos u dhigtay dambiyadii ay ku caan baxeen kooxaha ciyaal-weerada.
Kaaraan waxay caan ku tahay ganacsiga iyo suuqyada waaweyn, gaar ahaan suuqa Kaaraan, oo sare u kacay kadib dib-u-dhis iyo laami-saarid lagu sameeyay waddooyin muhiim ah oo isku xira xaafadaha degmada. Arrintaas ayaa fududeysay isku-socodka dadka iyo gaadiidka.
Maadaama amnigu noqday mid la isku halleyn karo, ganacsato badan ayaa degmada ka furtay goobo ganacsi oo casri ah, sida shirkado, dukaamo waaweyn, suuqyo casri ah iyo maqaayado. Taasi waxay kor u qaadday shaqo-abuurka dhallinyarada.
Maamulku wuxuu muhiimad gaar ah siiyay nadaafadda iyo bilicda deegaanka. Toddobaad kasta waxaa la qabtaa olole nadaafadeed oo ay iska kaashadaan maamulka iyo dadka deegaanka, si loo nadiifiyo waddooyinka iyo fagaarayaasha ay dadweynuhu ku kulmaan.
Waxaa sidoo kale la sameeyay nidaam dadka looga wacyigelinayo inaan qashinka lagu daadin meelaha loogu talagalay bilicda, iyadoo lala xisaabtamo shirkadaha qaada qashinka.
Waxaa dib-u-habeyn lagu sameeyay xarumaha caafimaadka ee degmada, gaar ahaan MCH-yada, si hooyooyinka iyo carruurtu u helaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ama qiimo jaban. Dadka deegaanka ayaa maamulka degmada uga mahadceliyay garashada baahida loo qabo goobo caafimaad oo lagu taageero dadka danyarta ah.
Sidoo kale, maamulku wuxuu dhiirrigeliyay tartamada ciyaaraha dhallinyarada, si looga mashquuliyo fikirka qaldan ee kooxaha argagixisada, tahriibka iyo qalalaasaha kale. Waxa kale oo maamulka degmada uu kormeer ku sameeyaa goobaha waxbarashada, si kor loogu qaado tayada aqoonta.
Degmada Kaaraan waxay tusaale u tahay sida hoggaan hufan iyo shacab isku duuban ay isbeddel weyn ugu keeni karaan deegaankooda. Inkastoo caqabado jiri karaan, haddana hiigsiga maamulka iyo adkeysiga bulshada Kaaraan waxay muujinayaan in degmadu ku socoto dhabbaha horumarka waara iyo nabadgelyada buuxda.
Maamulka degmada iyo guddoomiyihiisa ayaa daah-furay hannaan isla-xisaabtan oo shacabka qeyb ka yahay, taasoo horseedday guusha ay degmada Kaaraan xilligan gaartay.
W/Q: Cali Muxiyaddiin
[email protected]

