26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Faah-faahinta dagaal culus oo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaarisa (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan dhaca xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo u dhex-maray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada difaaca ee dalka Kenya.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Dhaashow oo hoostaga magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kadib ka qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabaab oo qoraal soo saartay ayaa guul ka sheegatay dagaalka ay la gashay ciidamada Kenya, isla markaana ay u gaysatay khasaare lixaad leh.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka kadib ay xerada ku dageen diyaaradaha u kaca qumaatiga, ayna maydad iyo dhaawacyo ka qaadeen halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay ee ay guulaha ka sheegteen dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay dhuumaaleysi uga gudbaan xubnaha Shabaab ee weerarada ka fuliya Waqooyi Bari.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada Kenya ku yaalla halkaasi, maadaama ay weli kooxda si weyn ugu xoogan tahay gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News