Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen aagga deegaanka Masaajid Cali Gauduud ee gobolkaasi, iyada oo lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.
Duqeynta oo bartilmaameed ahayd ayaa lagu garaacay goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo ku sugnaa halka loo yaqaano Quraca Nayle, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus.
Saraakiisha amniga ayaa ku warramay in ay heleen xogta dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka, kadibna la duqeeyyay, iyada oo cagta la mariyay goobo ay gabaad ka dhigayaeen xubnah khawaarijta, gaar ahaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal sar sare, sida ay hadalka u dhigeen.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta gantaallada, balse aysan caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.
Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha ay weli ka socdaan howlgallada, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka oo ay ku xoogan tahay kooxda
Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka iyo Turkiga ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, iyada oo meela kala duwan oo dalka ah lagu beegsaday laguna gaystay khasaare xooggan.

