Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in howl-galka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uusan sii socon karin muddo aan xad lahayn.
Xubnahan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku booriyay inay dardar-geliso dhismaha iyo tayeynta ciidamada qaranka si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The East African, dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa muujiyay in howlgal kasta oo nabad-ilaalin ahi uu leeyahay waqti uu ku egyahay, ayna muhiim tahay in Soomaaliya isu diyaariso maalinta ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka.
Labada dal ayaa ku adkeystay in la dejiyo qorshe cad oo lagu xaqiijinayo kala-guurka mas’uuliyadda amniga.
Dooddan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan maalgelinta howl-galka AUSSOM, kadib markii Mareykanku muujiyay inuu ka soo horjeedo sii wadista taageerada Qaramada Midoobay ee howl-galka laga bilaabo sanadka 2027. Arrintan ayaa abuurtay shaki cusub oo ku saabsan sida loo maalgelin doono howl-galka iyo mustaqbalkiisa.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay haatan ka doodayaan sidii loo dejin lahaa qorshe mideysan oo Soomaaliya loogu wareejinayo mas’uuliyadda amniga, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha dhinacyada dhaqaalaha, tababarka ciidamada iyo xaaladda amni ee weli ka jirta qaybo badan oo dalka ah.
Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay doodaha ayaa aaminsan in guusha qorshaha kala-guurka ay ku xirnaan doonto awoodda ay ciidamada Soomaaliyeed u yeeshaan inay si madax-bannaan u sugaan amniga, u ilaaliyaan goobaha muhiimka ah, isla markaana ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab marka taageerada ciidamada shisheeye ay yaraato.
Howl-galka AUSSOM ayaa si rasmi ah u billowday sanadkii 2025, isagoo beddelay howl-galka ATMIS. Ujeeddadiisu waa taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya, xasilinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo dhisidda awoodda hay’adaha amniga, iyadoo qorshuhu yahay in mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.
Doodaha ku saabsan mustaqbalka AUSSOM ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku celcelisay inay ka go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh inuu si buuxda u sugo amniga dalka.
Si kastaba, caqabadaha dhinaca maalgelinta, qalabaynta iyo khatarta Al-Shabaab ayaa weli ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee saameynaya geeddi-socodka la wareegidda amniga dalka.

