24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Baarlamanka K/Galbeed oo qaaday tallaabo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 6-aad ee kalfadhiga 1-aad ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan dhismaha guddiyada golaha.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Mudane Mudane Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyadoo si buuxda ay uga soo qayb-galeen mudanayaasha golaha.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Guddiyada iyo hab-dhowreyaasha Golaha si loo dardar geliyo howlaha hortabinta u leh Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddiyada la dhisay oo ka kooban illaa 8 Guddi ayaa kala ah:-

1-Guddiga-Xeer-Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda, Daryeelka Xildhibaannada iyo Dastuurka.

2-Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

3-Guddiga Amniga, Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolada, Degmooyinka, Dib-uheshiisiinta iyo Horumarinta Reer Miyiga.

4-Guddiga Arrimaha Bulshada, Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada, Isboortiga, Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

5-Guddiga Horumarinta Kheyraadka.

6-Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Qorsheynta iyo Tira koobka.

7-Guddiga Haweenka, Xuquuqul Insaanka, Gargaarka, iyo Maaraynta Musiibooyinka.

8-Guddiga Howlaha Guud, Dib-udhiska Dalka, Dekadaha iyo Gaadiidka.

Sidoo kale Hab-dhowreyaasha ay meel mariyeen Xildhibaannada Koonfur galbeed Soomaaliya oo ka kooban saddex Hab-dhowre ayaa kala ah:-

1-Idiris Axmed Yacquub ( Guddoomiye ).

2-Maxamed Mucaawiye  Ibraahim ( ku xigeenka 1aad ).

3-Maxaad Maxamed Ciise ( ku xigeenka 2aad ).

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo natiijada codaynta ku dhawaaqay ayaa Xildhibaannada ugu mahadceliyay gudashada waajibaadkooda iyo ka shaqaynta howlaha hortabinta u leh Dowlad dhiskeenna.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60