Muqdosho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya, ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho weyne qaran oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed , kaasi oo ku qotoma sidii Siyaasadda dalka looga qeyb galin lahaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Cusmaan Yariisoow, Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkaas uu labada Bisha Soo socota uu Muqdisho ka furmayo isla -markaana uu Socon doono ilaa Lixda Bishaas , iyadoona ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulada dalka.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Wuxuu sheegay in shirweynahaas uu yahay mid dib u heshiisiin ah , kaasi oo diirada lagu saarayo arimaha Amniga , Siyaasadda iyo waliba sidii loo meel marinlahaa waxyaabihii lagu balamay oo ah in dalka ay ka dhacdo 2017 doorasho Xur iyo xalaal ah.