Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuuxu sheegayaa in caawa meel ku dhow Villa Somalia uu iska hor imaad uu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Inta la oyahay seddax askarta ciidamada ayaa ku dhimatay tira intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjooga u ahaa dhacdada.
Ciidamada iska hor imaadka uu dhexmaray ayaa kala ahaa boolis iyo millitari waxaana rasaasta ay is-dhaafsanaayeen laga maqlaayay aqalka madaxtooyada Soomaaliya.
Si cad ah looma oga wax yaabaha sababahay iska hor imaadka ciidamadan ku dhexmaray degmada Warta Nabadda Ex-Wardhiigleey.
Dhinaca kale, waxaa caawa degmada Shibis ku qarxay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabo qaraxa, baarbuurka ayaa la sheegay in uu ku qarxay meel ku dhow xarunta degmada.
Qaraxa kaddib waxaa soo gaaray goobta ciidamada ammaanka kuwaasoo ilaa hadda baaritaan wada sida uu sheegay goobjooge la hadlay Shabakadda Caasimada Online.
Markii uu qaraxa dhacay waxaa kala cararay dadkii degmada ee ku sugnaa goobaha laga shaaxo, waxaa la xiray goobaha ganacsiga ee degmada Shibis.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho