31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo laga codsaday inuu beddelo maamulka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada online) Wafdigii  uu hogaanka u ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ee shalay gaaray Magaalada Marko ee Xarunta Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa loo jeedayay dalab ka dhan ah maamulka gobolkaas ,

Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Madaxda dowlada Soomaaliya ee Shalay , xalay ilaa Maanta ku sugan Magaalada Marko waxay ka dalbadeen in is badal lagu sameeyo hogaanka Maamulka gobolkaas.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cali,  oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo warbahinta la hadlay wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka gobolkaas ay MAdaxweynaha Soomaaliya ka dalbadeen in hogaanka Maamulka gobolkaas is badal lagu sameeyo .

Odayaasha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in loo sii daayo iyaga Masiirka gobolka Shabeelha Hoose si ay iyaga u keenaan hogaanka maamulkaas oo ay u dooranayaan qof waliba oo ay u arkaan inuu gobolka wax u qaban karo.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa odayaasha dhaqanka gobolka wuxuu ka dhageystay dhamaan talooyinkii ay soo jeediyeen ee ku wajahnaa wax ka qabashada hogaanka Maamulka gobolkaas .

Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya uu la socday ee shalay Subax Marko gaaray ayaa wali ku sugan Waxaana Gudoomiyaha Magaalada Marko Maxamed Yariisoow, uu sheegay in madaxwenaha Soomaaliya uu Marko ku sugnaan Doono Muddo Seddex Maalin ah .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xilkdhibaan  Siciid Maxamed Cali

Halkaan ka dhageyso Xil dhibaan Siciid maxamed Cali

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News