Kismaayo (Caasimada online) – Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa Shaaca ka qaaday inuu kusoo wajahan yahay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho si uu Maamulkiisa ugu qanciyo dadka kasoo horjeeda oo Siyaasad ahaan ay is Khilaafsan yihiin .
Wuxuu sheegay si xal buuxa loogu helo arinta Muranka badan dhalisay mudooyinkan ee Jubbooyinka iyo Gedo in markii Muqdisho uu yimaado uu la kulmi doono rag badan oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedaan si uu uga qanciyo dhaliilaha ay tabanayaan .
Shirjaraa’id uu maanta ku qabtay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe , ayuu ku sheegay inay qancinayaan cid waliba oo kasoo horjeeda maamulkiisa.
Axmed Maadoobe , wuxuu sheegay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka Mucaaradsan Maamulkiisa uu ku qancin doono inay tagaan Kismaayo isla-markaana ay wax la qeybsadaan Shacabkooda si loo soo afjaro Khilaafkan ragaadiyay Jubbooyinka iyo Gedo Siyaasiyiinta Kasoo jeeda.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay in uu isna tagi doono Magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose ee Kismayo , taas oo qeyb ka noqoneysa dadaalka lagu doonayo in lagu dhaqan galiyo Heshiiska Adis Ababa ee maamulka Jubba iyo dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu soo hadal qaaday dhameestirka maamulka Jubba isagoo sheegay in caqabada jirtay ay aheyd xalinta khilaafkii udhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa balse iminka taasna laga gudbay.Axmed Madoobe ayaa loo magacaabay hogaaamiyaha Maamulka Jubba kadib Shir Muddo Todobaad ah qaatay oo Maamulkaas uu la yeeshay dowlada Soomaaliya , kaas oo ka dhacay Magaalada Adis Ababa.
Waxaa jira Siyaasiyiin iyo Waxgarad badan oo kasoo horjeeda hogaanka Mamulka Jubba kuwaas oo qaarkood uu dagaal ku dhexmaray Magaada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.