27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Muqdisho: Nin loo dilay 10-kun Shilling Soomaali ah (Sidee wax u dhaceen?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya waxaa galabta ka dhacday dhacdo aad xannuun leh, taasoo ah in askari ka tirsan dowladda Soomaaliya uu toogtay nin dameer waday.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaana ay ahayd markii askari ka tirsan dowladda Soomaaliya uu 10,000 oo Shilling So, u dilay nin dambeer watay, kaasoo ka yimid suuqa bakaaraha.

Wiil goobjoog u ahaa dhacdada, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ninka askariga ee dilka u geestay ninka dambeerka watay ay isku maandhaafeen 10,kun oo shilling Somali, waana lacag u dhiggan Nus Dollar ama kala bar hal dollar.

“Walaal mar ay galabta saacadda tahay 5-tii ayaa askariga kuwa canshuurta wuxuu ku dilay xaafadda Buulo Xuebeey nin dameerle ah, kaasoo lagu amray in uu bixiyo 10,kun oo shilling Somali, markii uu dhahay ma hayo labo xabadood ayaa shafka loo galiyay” ayuu yiri goobjoogaha la hadlay Caasimada Online.

Si kastaba, falalka noocan waa kuwa inta badan ka dhaca dalka Soomaaliya, balse waxaa dadka ay isweediinayaan wax yaabaha keenay in askari qaadaya canshuur uu 10-kun oo shilling u dilo qof bini’aadim ah.

Dhacdadan ayaa caawa si weyn looga hadalhayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

- Advertisement -

Read more

Local News