Muqdisho (Caasimada online) Sida Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan waxaa xabsiga la dhigay Gaashaanle Mxamed Xuseen Axmed oo loo yaqaan Sabdoow, Taliyihii Xabsiga dhexe ee gobolka Baadir.
Xarigga taliyaha wuxuu ka dambeeyay kadib markii Xabsiga Dhexe lagasii daayay C/raxmaan Cali Abuukar oo ku eedeysnaa iskuday dil ah oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka General C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan.
Eedeysanahan ay sida la sheegay xabsiga laga sii daayay Maalintii Axada inkastoo arintan Waxaana uu ku xukunaa dil toosho ah oo ay ku xukuntay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.
Sii deynta eedeysanahan ayaa marka laga reebo Taliyaha Xabsiga dhexe waxaa a sheegay in loo xir xiray qaar ka mid ah ciidamada Asluubta kuwaas oo tiro ahaan ku dhaw Shan sida wararka aan ku heleyno.
General C/laahi Axmed Xirsi oo ka mid ah sarakiishii ciidamada dowlada dhexe ee dalka wuxuu sheegay in arintan ay tahay mid aan la dheylsan Karin waxaana uu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in kiisaska ceynkani oo kale ah il gaar ah ay u lahaato dowlada Soomaaliya.
Generalka wuxuu tilmaamay aan loo baahneyn in waqti lama fursad la siiyo , waxaana uu sheegay in raga dambiyada oo kale gaysta in caalamka loo sameeyo ilaalo gaar ah maadaama kiiskoodu uusan sahlaneyn ,
Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay inay waajib ay tahay in uu badalo ruuxii dambiilaha sii daayay sida uu sheegay waxaana uu sharcga ciidanka uu ku sheegay inay tahay in qofkii si daayo ruux sanad ku xukuman uu isaga badalkiisa galayo , sidoo kalana ruuxii dil ku xukuman ruuxii daayo badalkiisa la dilayo sida uu sheegay.
Eedeysanaha Xabsiga ka baxsaday ayaa la sheegay inuu bixiyay Xoogaa lacag ah sida la sheegay waxaana qaab qarsoodi ah looga sii daayay xabsiga dhexe ee gobolka Banaadir halkaas oo uu ku xirnaa .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho