Ku dhawaad bil tan iyo markii loo raray suuqa Bacadlaha ee lacag la’aanta ah, ayay waratadii horay wax ugu gadi jirtay dhinacyada waddada ee degmada Xamar Weyne waxay ay sheegayaan in ganacsigii uu kor u kacay oo ay sidan ku dareemayaan ammaan dheeri ah.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa 825 ah waratadii wax ku iibin jiray dhinacyada waddooyinka waxa ay 4-tii October u rareen dabakaayooyin uu maamulku ka dhex sameeyay gudaha Bacadlaha taasoo qayb ka ah qorshayaal ballaaran oo lagu khafiifinayo ciriiriga magaalada ka jira isla markaana kor loogu qaadayo ammaanka, sida uu afhayeenka maamulka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan sheegay.
Waratada, oo si sharci-darro ah uga gacansan jiray waddada dhinacyadeeda, ayaa hadda ka nastay in ay badeecadooda ku dhex iibiyaan duruufaha qalafsan ee ka jira waddada dhinacyadeeda, ama si joogta ah ugu jiraan orod iyaga oo ka cararaya ciidamada dawladda hoose, ayuu sheegay.
Shamso Maxamed, oo ah 36-jir kabo ku gadi jirtay Via Roma, ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dabakaayadeeda cusub oo ay ka mahadcelinayso in maamulka gobolka ay u suuragashay in uu siiyo goob lacag la’aan ah.
“Waxaan ka nastay kuleeylka qoraxda, boorkii badnaa iyo in mar walba ciidamada ammaanka ay nakala ceeyrshaan,” ayay sheegtay. “Ma ahan mid la soo koobi karo dareenkeyga farxadeed oo waxaan helay goob si lacag la’an ah aan ugu ganacsan karo.”
Helitaanka meel rasmi ah oo ay ku ganacsato, ayay sheegtay, in uu sidoo kale gacan ka siiyay in ganacsigeedu bullaalo iyada oo sidaa ku sameeysanaysa macaamiil si rasmiya ugu soo noqnoqota.
“Dadka ma jecla inta badan in ay wax ka iibsadaan qof marba meel la taagan ganacsigiisa,” ayay tiri Maxamed, iyada oo intaa ku dartay in hadda macaamiisheeda ay garanayaan halka ay ugu soo hagaagi karaan haddii ay u baahdaan.
“Waxaan hadda helaa maalintii faa’ido dhan $15 illaa inta u dhaxeysa $20 halka markii hore aan heli jiray $5” ayay tiri.
Cali Jaamac, oo ah 42 jir gada dharka, ayaa sheegay in sidoo kale noloshiisu si fiican isku baddashay tan iyo markii uu ka soo guuray waddooyinka oo uu dukaan ka sameeystay suuqa Bacadlaha.
“Waxaan mar walba ka walwali jiray halka aan gacansigeena geeysan doonno haddii nala ka mamnuuco in aan ku shaqeeysanno waddooyinka,” ayuu yiri. “Ilaah baa mahad leh hadda waxaan helay meel munaasib ah oo aan miiskayga dhigto.”
Maaddaama suuqa oo dhan la xiri karo habeenkii isla markaana dabakaayo kasta loo xiri karo si gaar ah, wuxuu sheegay, in soo raridda ay isaga iyo waratada kale — ee sida joogtada ah uga welweli jiray in laga xado badeecadooda — u oggolaatay in ayan welwelin oo ay helaan nafis dheeri ah.
“Waan ka tagi karaa badeecaddeeyda [habeen] walba oo waxaan soo noqon karaa subixii iyada oo aan waxba iga maqneeyn,” ayuu yiri. “Waxaan u mahad celinayaa maamulka gobolka Banaadir sida uu noo caawiyay.”
Maamulka Banaadir ayaa sheegay in uu qorsheeynayo in ay qorshe kaa la mida u diyaariyaan waratada ku ganacsata waddooyinka kale ee degmooyinka Muqdisho.
“Madaama dadkani ay yihiin nolol raadis waxan wadnaa qorsho aan ku dooneeyno in aan dadka ku ganacsada goobaha sharci-darada ah u helno goobo ganacsi oo lacag la’an ah,” ayuu afhayeenka gobolku yiri, isaga oo intaa ku daray in waratadu ay xilligan caqabad ku yihiin bilayska marka ay fulinayaan howlgallada ammaanka.
Bacaadlaha, labada dabaq ah ee la dayac-tiray oo ku yaal degmada Xamar Weyne waxa dib loo furay November-tii hore kadib markii uu xirnaa ku dhawaad 20 sano. Dad ayaa si sharci darro ah ku degganaa dhismahan uu leeyahay gobolka Banaadir, illaa markii laga saaray February 2012-kii.
Dukaamada suuqa oo ay tiradoodu tahay 2,056 ayaa hadda lagu guuleeystay in la wada kireeyo, iyada oo ganacsatada deggan ay bixiyaan lacag u dhexeeysa $50 illaa iyo $200 bishiiba taasoo ku xiran hadba baaxadda dukaanka, sida ay sheegayaan mas’uuliyiintu.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabdullaahi Sahal Gardhuub ayaa soo dhaweeyay guusha laga gaaray suuqa, laakiin waxa uu sheegay in xukuumadda looga fadhiyo in ay qaaddo tallaabooyin dheeri ah si loo sugo ammaankiisa.
“Waa in shaqo badan laga qabtaa suuqa nabadgelyadiisa, sida in bilayska loo tababaro ilaalinta [dhismaha] iyo in lagu rakibo kaamarado si ay gacan uga gaystaan sugidda ammaanka dadweynaha,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in tallaabooyinka saxda ah ee hadda la qaado ay hadhoow mas’uuliyiinta amniga ka caawin doonaan xallinta dambiyada.
Isha: Sabahi Online

