Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Deynuunaay ee gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhacday dhacdo xanuun badan, markii askari ciidamda dowladda uu dilay shan qof oo ka tirsan hal qoys.
Degmada Deynuunaay ayaa 18km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay
Askariga ayaa la sheegay in markii uu laayay shantan qof ee ka tirsan halka qoys in uu goobta ka baxsaday, waxaana gaaray goobta ay wax ka dhaceen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in uu askarigan dilo shantan qof ee ka tirsan halka qoys.
Deynuunaay waxa ku yaalla xeryo ciidan oo ay deggan yihiin AMISOM sidoo kale waxaa ku taalla xero lagu tabbabarro ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

