Baladweyne (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah qaraxaya waxaa lagu fuliyay baabuur ay ka buuxaan wax yaabaha qarxa kaasoo uu watay qof is-miidaamiyay.
Qaraxa ayaa lagu weerarray albaabka hore ee Saldhigga Booliska magaalada Baladweyne, xilligaasna waxaa joogay ciidamo ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa goordhow ka dhacay Saldhigga Booliska ee Magaalada Baladweyne, balse ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa ka hor kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga iyagoo doonaya in la baxaan maxaabiis halkaas ku jirtay.
Qaraxa kaddib waxaa magaalada laga maqlayaa rasaas xooggan taasoo ka dhacaysa gudaha saldhigga booliska ee magaalada Baladweyne.
Faah-Faahinta goordhow naga filo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

