26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Nicholas Key oo tegay Puntland arrin xasaasi ahna kala hadlay Faroole

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegay in halkaas uu tagay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Key.

Mr. Key markii uu tagay Garoowe wuxuu kulan albaabada u xiran la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu hoggaaminaayo Madaxweyne Faroole.

Kulanka markii uu soo dhammmaaday waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweyne Faroole iyo Danjire Key, waxaana ay sheegeen in dhammaan wax yaabaha ay ka hadleen in ay guul ku dhammaatay.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo booqashada Danjire Key, wuxuuna sheegay in ay ka hadleen gargaar QM ay u soo wado dadkii wax ku noqday duufantii ku dhufatay gobalada Beri iyo Nugaal,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in danjire Key ay ka hadleen labo nin oo ajnebi ah kuwaasoo howlo basaas ah ka waday Puntland iyo doorashada sannadka dambe dhaceysa.

Key oo isna saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay la qaybsaneyso dhibaatada dadkii wax ku noday duuftanta wuxuu tacsi u diray qoosaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay duufantaas.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Puntland, wuxuuna sheegay in ay gargaar u sidaan dadka reer Puntland ee wax ku noqday duufantaas.

Kay waxaa kaloo uu kala hadlay Faroole siddii dumarka door ay ugu yeelan lahaayeen maamulka Puntland.

Waa booqashadii seddaxaad oo danjire Kay uu ku tago Puntland tan iyo markii loo magacaabay xilkaas sannadkan 2013-ka.

Si kastaba,wasiirka ammaanka ee maamulka Puntalnd, Khaliif Ciise Mudan ayaa Isniintii sheegay inay labo nin oo u kala dhashay Britain iyo France lagu qabtay Garoowe  iyagoo ku guda jira howlo la xiriira basaasnimo iyo la bixidda khayraadka dabiciiga ah ee gobolka.

Labada nin ayaa u shaqeynayay hay’ad lagu magacaabo Oversight International, oo qaabilsan ammaanka, taas oo ka diiwaan-gishan Puntland. Labo ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee hay’adda ayaa sidoo kale xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News