Afgooye (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax uu goordhow ka dhacay magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidanka AMISOM oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho kuwaasoo ka yimid Afgooye.
Qaraxa ayaa khasaaro xooggan gaarsiiyay ciidamada lala eegtay, balse ma cadda inta uu la egyahay.
Qaraxa kaddib waxaa goobta isku gadaamay ciidamada AMISOM, kuwaasoo xiray waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Xaaladda magaalada Afgooye ayaa caawa kacsan, waxaana magaalada lagu soo rogay bandow, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Ma jirto koox sheegtay weerarka, mana ahan weerarrkii ugu horreyay oo lala eegto ciidamada AMISOM oo halkaas fadhiisin ku leh.
Faah-faahin kala soco wararkeena dambe
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho