Taleex (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yusuf Jaamac Indho Sheel Wuxuu digniin udiray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole taas oo ku aadan arinta Maamulka Khaatumo State.
Wuxuu sheegay in Maxaxweyne Faroole uu uga digayo faragelinta uu shegay inuu ku hayo deeganada Maamulka Khatumo, waxaana uu sheegay in hadii uusan joojin ay ka dhalaneyso Dhibaato sida uu sheegay soo gaarta shacabka reer Puntland.
“Waxaan rabaa inaan fariin udiro Ninka la leeyahay Madaxweynaha Puntland Faroole waxaan odhan lahaa waan kula talinayaa waxaan leeyahay balo aan kuusoo jeedin ha isku soo jeedin colaadeena meel ayeey kusii jeeda ha isku soo jeedin, colaadeena meelbay ku jeedaa ha isku soo jeedin”Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Khaatumo.
Sidoo kale Indho Sheel Wuxuu digniin ujeediyay Musharaxiinta utaagan hogaanka Maamulka Puntland, waxaana uu ugu baaqay inay ka digtoonaadaan inay faragelin kusoo sameeyaan Maamulka Khaatumo .
Laba sabo ka hor ayuu sheegay in Maamulka Khaatumo, uu kago’ay maamulka Puntland iminkana uu yahay maamul iskiisa utaagan oo aan cidi ubaahneyn sida uu hadalka u dhigay.
Maamulada Puntland iyo Khaatumo oo aqoonsi ka heysta dowlada Somalia ayaa ku muransan gobolada Sool , Sanaag iyo Ceyn inkastoo sidoo kale Maamulka Somalia uu goboladaas is xijiyo.
Dhowaan madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday taleex wuxuu sheegay in shir aysan iyagu ka war heyn aan deegaanada Maamulkaas lagu qaban karin .
Caasimada Online
Xafiiska Taleex
[email protected]

