Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in si kumeel gaar ah loo magacaabay guddoomiye ku-meel-gaar ah oo sii wadi doona shaqada maamulka guddoomiha Baanka Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid markii maanta kulan xasaasi uu ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen Wakiilo ka socda Midowga Yurub, wadamada deeq bixiyaasha iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha la magacaabay ayaa shaqada sii haan doona, kaddib markii beesha caalamka ay codsaday in la keeno guddoomiye cusub oo badala guddoomiyihii horre Yusur Abrarr oo dhawaan shaqadaas iska casishay.
Waddamada deeq bixiyaasha ayaa dowladda ka codsaday in loo baahan yahay guddoomiye cusub oo maamulka Baanka adduunka si loo ogaado dhaqaalaha dowladda soo gala iyo sida loo maamulo.
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Maxamuud Xaaji Suleemaan , oo markii kulanka madaxweynaha uu soo dhaamaday kadib saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii kulankaas looga hadlay .
Wuxuu sheegay in arimaha kulankaas looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen magacaabista gudoomiyaha cusub ee Bankgiga dhexe ee Somalia iyo Mooshinka xildhibaanada Somalia ee Ra’isul wasaare Saacid.
Waa guddoomiyihii seddaxaad oo loo magacaabo Baanka Soomaaliya,muddo sannad ah oo ay jirto dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wariirka Maaliyada Somalia
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

