Faallo: Maxaan ka baran karnaa wixii ku dhacay Ex-R/W Shirdoon Saacid?

Saaxiibkeygi dugsiga sare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisal Wasaaraha sii baxaya ee DFS, waxaa ku dhacday dharbaaxyo siyaasadeed oo ardayda barata maareynta ganacsiga iyo culuumta siyaasadda ay cashar ka qaadan karaan:

1. Waxow gabay in ow si cad dadweynaha ugu qeexo waxyaabihii isaga iyo Madaxweynuhu isku maan dhaafeen. Waxay aheyd in ow faahfaahiyo qodobada dastuuriga ahaa oo ay isku qabteen Madaxweynaha maalintii ow qiray in khilaaf ka dhex jiro labadooda. Waxaa ii muuqata in qodobadaas ay ahaayeen labo:

A) Awoodda soo dhisidda golaha wasiirada cusub ee la damacsanaa, iyo

B) In Madaxweynuha awood u leeyahay in ow yiraahdo “R/W iscasil”.

Saaxiibkey Cabdi Faarax waxow iska dayacay fursad fiican maalintii ow qiray jiritaanka qilaafka. Ex-R/W waxow usheegay wixii jiray si guud waxowna uga baxay in ay ahaayeen arrimo dastuuri ah laguna xalin doono hab dastuuri ah.

Casharka 1aad: Problem Identification – si cad oo la taaban karo u qeex waxa aad ka hadleysid.

2. Si deg-deg ah uma hordhigin heyadaha kale ee dastuuriga ah sida Baarlamaanka Federaalka (BF) iyo Maxkamadda Sare wixii la isku qabtay. Ficil la’aantan waxay keentay in sheekadii loo badelo “Motion” ka keenid oo looga hormaray BF. Hadalkii shalay (2/12/2013) ee Ex-R/W Shirdoon iyo wajigiisa ayey ka muuqatay filawaaga ku dhacay markii sheekadii loo badelay “motion” ka dhan isaga iyo dowladiisa.

Casharka 2aad: Act quickly – “the essence of business is speed” ama dulucda ganacsigu waa xawaaraha (wax qabadka).

3. Waxow Ex-R/W Shirdoon ku fashilmay in ow talaabo ka qaado wasiiradii ka soo horjeestay ama dhabarka xijiyay muddo sanad ah. Hadalkiisi shalay ayow ku sheegay in ay jireen wasiiro la shaqeyn waayay.

Casharka 3aad: Build An Effective Team – Maamuluhu waa in ow dhisaa koox waxqabad leh talaabana ka qaado qof kasta oo kala jabineysa kooxda ama aan u aqoonsaneyn in uu madax u yahay. “Waan Fire gareen karay” iyo waa fanashay (fired) waa kala labo waxaana hubaa in saaxiibkey ka shalaayay maanta.

4. Ex-R/W Shirdoon waxow ahaay hogaamiye sharaf leh, ah muwaadin Soomaaliyeed, degan, asluub fiican, samirna badan. Laakin ma aheyn qof ku fiican waxqabad iyo xalinta dhibaatooyinka shaqaalihiisa.

Casharka 4aad: Be an Effective Manager – Sida iiga muuqata nidaamka dastuuriga ah ee aan qaadanay, jagada Madaxweynuhu waa mid wax hogaamin (Leadership). Tan Ra’iisul Wasaarahuna waa mid howl maareyn iyo fulin (Management). Dastuurku sabab uma ahan qilaafka madaxda sare ee dalka. Waxaa sabab u ah “putting the wrong man on the wrong job”

Towfiiqda Allaha Na Waafajiyo,

Qore: Dr. Ismail Ali Siad (ismailsiad@gmail.com)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online