28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Maxaa ka cusub tallaabadii Amisom ee ka dhanka ahayd Shariif Xasan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka hadlay hadal dhawaan ay shaaciyeen warbaahinta gudaha, kaasoo ah in saraakiisha ciidanka AMISOM ee Baydhabo ku sugan ay ku amreen xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno kale oo ku sugan halkaas ay ka baxaan magaalada haddii aysan joojin kulamada iska soo horjeedo oo ay magaalada ka wadaan.

Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah taliyaha saldhigga booliska Baydhabo, ayaa wuxuu sheegay inaanay AMISOM awood u lahayn Shariif Xasan in ay magaalada ka saaraan.

“AMISOM awood uma laha Shariif Xasan inay ka saarto  Baydhabo. waa xildhibaanadii deegaanka waxayna u yimaadeen siddii loo soo dhishi lahaa maamulka gobolada koonfureed. xaq ayuu u lee yahay in uu yimaado” ayuu yiri Korneyl Mahad Cabdiraxmaan.

“Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta deegaanka waxay Xaq u lee yihiin, in goorta ay doonaan ay Magaalada soo gaaraan,marka ay rabaana ay si khiyaari ah kaga taggaan. laakiin in la dhaho ka baxa dhulkiinii, anni ma qabo in AMISOM ay sidaasi dhihi karto.” ayuu sii raaciyay sarkaalkaan.

Isku soo duub waxaa jirra khilaaf weyn oo ka jirra maamul u sameenta gobalada koonfur galbeed, oo la doonayo in u loo dhiso lix gobal balse Shariif Xasan Sheekh wuxuu doonaya maamulkan cusub in uu lagu koobo uun seddax gobal oo kala ah, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News