31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Wariye ka tirsan VOA oo ku tilmaamay magacabista RW cusub maalin madow

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wariye caana oo ka tirsan Idaacadda VOA Somali oo Somalida ugu baaqay kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub.

Wariye Abdullahi Nur Kolombo ayaa khamiistii shalay ku tilmaamay maalin madoow oo halis wajahday jiritaanka iyo magaca umadda Soomaaliyeed.

Abdullahi Kolombo wuxuu sheegay in Ra’isulwasaaraha cusub ee Somalia yahay nin qayaalad iyo hanti boob ku caanbaxay sidaas darteedna wuxuu shacabka ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub la bilaabo. Abdullahi Kolombo wuxuu warbixintiisa u qoray sidaan:-

Wariye Abdilaahi Nuur Maxamed Colombo oo ka tirsan VOASOMALI
Wariye Abdilaahi Nuur Maxamed Colombo oo ka tirsan VOASOMALI

Madaxweyne Garguurte oo si uu dhibaatada Somalia u sii fogeeyo u habar wacdey Ra,iisalwasaare Dam jadiid ah ,oo qabyaaladna ay biyo dhigatay Inta Xasan Garguurte iyo Dam Jadiid ay Somalia hogaamiyeyaal u yahiin Somalia cadaabteedii aduunka ayey ku qaadaneysaa inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somalia ka taagan waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Dam jadiid waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa sidii cadowgaas aadka u xun ee Dam jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankeyga aan jeclahay ee Somalia.

Shacbiga Somaliyeedow mudo dheer baad hurdo ku jirteen waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen masiirkiinana aad ka tashan laheydeen kooxda yar ee dam jadiid intey qol isku soo xiraan ayey shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra,iisal wasare ,tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo.

Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan dam jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra’iisal wasaaraha cusub si Somalia ay uga badbaado halis ku soo fool leh.

Ra’isulwasaaraha cusub ninka uu Garguurte u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984 qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.

Ninka nuucaasa miyaa maanta Somali hogaamin kara? Jawaabta waa maya .

By Abdullahi Nur Maxamed Kolombo [email protected]

ku soo hagaaji waxii aragti ah walaal

https://www.facebook.com/abdulahinurcolombo?fref=ts

Email: [email protected]

NB: Qoraalkan waxaa uu u gaar yahay wariyaha ku saxiixan Abdilaahi Nuur Maxamed Kolombo oo isaga u shaqeeya idaacada VOA oo inaga soo gaarsiiyey qoraalkan. Warbaahinta caasimada  waa idin soo gudbisay oo kaliya. Mahadsanidiin.

- Advertisement -

Read more

Local News