31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Nabadoon caan ah oo lagu dilay….!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in deeganka Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Daahir Xuseyn “Qoordheeere” ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan kuwaasoo rasaas ku furay gaari uu la socday caawa maqribkii sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Sidoo kale waxaa rasaasta ku dhaawacmay dad kale oo la socday nabadoonka kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda macadda sababta ka dambeesay in kooxdan hubeysan ee jidgooyada u tiilay deeganka Awdheegle ay dilaan nabadoonkan oo caan ka ah Shabeellaha Hoose.

Waxaa goobta dilka gaaray ciidamo ka tirsan dowladda balse wax ay qabteen ayaa yer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News