Brussels (Caasimada Online) Midowga Yurub ayaa maanta oo Sabti ah soo saaray warbixin uu uga hadlaayo dhaqaale kale oo uu siinaayo waddamo badan oo ku yaalla Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya.
War-qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha guddiga horrumarinta Midwoga Yurub, Andris Piebalgs ayaa lagu sheegay in Afrika siinaayaan lacag gaareysa 17.2 milyan oo dollarka Maraykanka ah ,taasoo wax loo qabanaayo arrimo ay ka mid yihiin ammaanka gobalka iyo tayeenta ciidamada Afrika ee howlaha nabad ilaalinta u jooga dalal ay ku jiraan Soomaaliya.
Mr. Andris Piebalgs ayaa sheegay in lacagtan si toos loogu wareejiyay howgalka Midowga Afrika si toos ah loogu shaqeeyo.
Sidoo kale, warka qoraalka ayaa lagu xusay in lacagta ay ku jirto mid loogu tala galay horumarinta isgaarsiinta Afrika si loo abuuro xiriir joogta ah oo dhexmara deeq bixiyaasha beesha caalamka iyo wadamada Afrika.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lacagtan qaybta Soomaaliya ay ku lee dahay iyo howgalka AMISOM si toos loo marsiin doono xafiiska QM ee UNSOM.
Si kastaba, Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay in howlihii tababarka ee la siinayay ciidamda Soomaaliya ee ka socda Uganda loo wareejin doono gudaha dalka Soomaaliya billowga sannadka soo socda 2014-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Yurub

