Aadan Madoobe oo QM kala hadlay ‘nooca doorashada soo socota’ + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Serge G. Kubwimana.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dalka, Dastuurka KMG ah iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Golaha iyo Xildhibaanada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo ka socday QM ayaa ahmiyada koowaad siiyay doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta nooca ay noqon karto, iyaga oo ka wada-hadlay sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho ka duwan midii hore loo soo arkay.

Madaxda QM iyo UNDP ayaa xusay in guddoomiyaha Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta baarlamaanka, tayeynta aqoonta shaqaalaha Golaha iyo xildhibaannada.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in ay gacan ka geeysan doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharuucda muhiimka u ah dalka.

Wafdiga QM ayaa waxaa qeyb ka ah Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.

Dhawaan unbay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday in dowladiiisa ay ka go’an tahay in dalka laga xureeyo Al-Shabaab, kadibna ay hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, sanadka 2026-ka.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi waxa uu hoosta ka xariiqay in mar kale aan dib loogu laaban doonin teendhada Afisyooni doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalka lagu qabtay.

Dowladda federaalka Soomaaliya qorshuhu yahay in ay haatan bilaabaan, si looga mara dhaliyo go’aanka madaxweynaha ee ku aadan doorashada 2026-ka.