Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladii ugu xumeyd ayaa ka taagan deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana abaarta ka jirta deegaanada gobolada dhexe ay gaartay in xoolaha lagu quudiyo bahalo.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay in deegaanadaasi abaaraha ka jira ay saameeyn reebeen, wuxuuna sheegay in xoolo badan oo abaarta darteed u baqtin gaaray in loo qalay xoolo kale.
Yuusuf Xasan, oo ah madaxa gurmadka abaaraha ee Ahlu sunna ayaa sheegay in deegaanada maamulkooda ay ka jiraan abaaro tii ugu darneyd, wuxuuna ku baaqay in dadkaasi wax loo qabto.
Wuxuu sheegay in hilibka xoolaha dhiman rabo lagu quudiyo xoolaha kale, laakiin xoolaha la siiyay hilibka ah dhankooda bilaabeen inay usii baqtiyaan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxay hadaladaasi dhan ay muujinayaan in abaarta ay gaartay meeshii ugu xumeyd, isagoo ku baaqay in dadkaasi deg deg wax loogu qabtaa.
Yuusuf Xasan ayaa sidoo kale sheegay in Ariga Xitaa loo qalay Bahalada si Noloshiisa loo badbaadiyo,waxaana uu ku baaqay in Dadkaasi Gurmad Deg Deg ah loo gudbiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]