Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari oo khudbad ka jeedinayey Xafladda Caleemka saarka Madaxweyne Axmeed Madoobe ayaa sheegay in ka qeyb galkiisa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay waajibka saaran Aqalka Sare ee matala dowlad goboleedyada.
Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweenayo doorashadii ka dhacday Kismaayo taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid Sharci ah oo loo maray Dastuurka dalka iyo midka Maamulka Jubbaland.
Abshir Bukhaari ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tanaasul la yimaado, isagoo xusuusiyay mid ka mid ah halku dhigyadii Xisbigiisa Tayo ee uu doorashada ku galay oo ahaa Tanaasul.
Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka taagan ay sabab u tahay Dastuurka oo aan la dhameystiran wuxuuna yiri: