”Addoon ahaan ayaa afar jeer la ii kala iibsaday” – Waa sheekada wiil Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdiraxmaan oo kamid ah Tahriibayaal Soomaali ah ee laga soo qaaday dalka Liibiya ee lagu soo celiyay Muqdisho, ayaa ka sheekeyay arrimo arxan darro ah oo lagula kacay.

Maxamed oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya, xiligaas oo uu ku jiray socodka tahriibka.

“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu si lama filaan ah uga soo baxsaday kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay, kadibna uu maalmo kadib ay u soo suurta-gashay inuu gaaro Tripoli.

Maxamed ayaa markii uu gaaray Tripoli la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya, waxaana sidaas dib loogu soo celiyay dalka.

Waxa uu sheegay intii uu ku guda jiray socdaalka uu ku rabay inuu ku tago Yurub uu la kulmay rafaad iyo dhibaato aad u daran, ha ugu darnaato intii uu joogay dalka Liibiya.

“Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa.”

Dalka Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay “in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah”, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Liibiya ayaa waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya inay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Talyaaniga.

Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan, kuwaasi oo ay adag tahay in laga soo furdaamiyo illaa inta la bixinayo lacagaha madax furashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii