Afar arrin oo sabab u ah inay mucaaradka ka aamusaan heshiiska Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada nin ayaa si weyn isugu fogaaday labadii bilood ee uu khilaafkooda bannaanka yaalay, waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in lasoo afjaro xiisadaas.

Heshiish 6-qodob ah ayey kala saxiixdeen, waxayna labada nin isla garteen in la dadajiyo doorashada Soomaaliya oo si weyn dib ugu dhacday.

Mucaaradka intii uu socday dagaalka Farmaajo iyo Rooble dhextaal ayey u ahaayeen xiisadda, waxaana qaarkood loo arkayey inay xiisadda sii hurinayaan.

Ra’isul wasaare Rooble oo maalmihii dambe ku dhawaa mucaaradka ayaa qaatay heshiis u muuqday in isaga iyo Farmaajo isku garab dhaceen, laakiin wax soo dhaweyn ah kama helin mucaaradka ama dhinaca midowga Mushariiinta oo si weyn uga hadlayey xaaladda intii uu dagaalka jiray.

Madaxda maamul Goboleedyada oo iyagana ka hadlay khilaafkii ka dhex jiray madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaan ka hadlin heshiiskii labada nin la kala dhex dhigay.

Waxay dadka intooda badan is waydiinayaan sababta ay heshiiskaan uga gaabsadeen inay ka hadlaan Mucaaradka oo ay ku diideyn inay booggadiyaan, waxaana la rumeysan yahay inay sabab u tahay qodobada soo socda:

1- Tuhun dib u dhac ah

Qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa laga soo xigtay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble ay ku heshiiyeen in la daahiyo doorashada oo xaawaraha la dhimo si ay maalmo dheeri ah isaga sii joogaan xafiiska, taas oo aysan faa’ido ugu jirin mucaaradka.

Mucaaradka waxay badankood aaminsanaayeen inuu Rooble si weyn uga fogaaday Farmaajo uuna dadajin doono doorashada si meesha looga saaro kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Laakiin hadda waxaa u sawiran aragti taas ka duwan oo ah in Rooble lagu qanciyey inaysan wax dan ah ugu jirin dadajinta doorashada .

Inkastoo qodobadii heshiiska Rooble iyo Farmaajo ay ku jirtay in si deg deg ah loo qabto doorashada, haddana xubnaha mucaaradka qaarkood waxay arrintaas u arkaan inay tahay jiliin.

2- Rajo laga qabay Rooble

Xubno kamid ah midowga musharixiinta ee mucaaradka ayaa filayey inuu Rooble la noqon doono shirkad siyaasadeed ama inuu dhisi doono, maadaama isaga iyo Farmaajo kala fogaadeen, laakiin dib isku soo laabashada labada nin ee dalka ugu sareysa xilligaan ayaa hoos u dhigtay rajada musharixiin badan oo naf ka raadinayey Ra’isuwasaare Rooble.

3- Kiiska Ikraan Tahliil

Xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka ayaa laga soo xigtay in heshiiska Farmaajo iyo Rooble uu inkiray xaqqa Ikraan Tahliil Faarax oo ahaa sababtii ay markii horeba u garab istaageen Ra’isul wasaaraha, maadaama uu heshiiskaasna daciifiyey kiiska waxay sheegeen in aysan jirin sabab ay u taageeraan.

4- Dib usoo laabashada Farmaajo

Mid kamid ah qodobada loo maleenayo inay mucaaradka uga dhuunteen inay taageeraan heshiiska Farmaajo iyo Rooble waa inay dareemayaan in heshiiskaan uu dib usoo nooleenayo Farmaajo oo hadda heli kara garabka Ra’isulwasaare Rooble ama ugu yaraan ka hortagi kara inuu Rooble ka hor istaago faragelinta uu waqtiga dheer la damacsanaa doorashada dalka.