Afar sano kadib xildhibaankaagii ma kuu daneeyey mise waa kaa daneystay?

Waxkasta waxa ay leeyihiin xisaab xir iyo meel gunaanad ah oo lagu xaqiijiyo  u jeedkii  loo diray  taabo galkiisa ama ku guul dareysigiisa!.

Soomaaliya 4 tii sanaba mar ayay xisaab xir siyaasadeed gashaa waxaa isku soo baahdaa oo dib isku arka  siyaasiyiin iyo shacabkii soo doortay  oo laga yaabo qaarkood in ey isugu dambeysay 4 sano ka hor maalintii xilka la raadinaayey, waliba xilalku iskuma jiraan ee waxaa xiligaan oo kale baahi weyn loo qabaa  codka bulshada  waayo waxaa gacantooda ku jira oo kaliyah ee ay laamaha dowlada  ka doortaan waa xildhibaanka aqalka hoose ee baarlamaanka kaas oo ah  halbowlihii dowlada ama aas aaskii laamaha dowlada.

Inkastoo xildhibaanka si guud  uu u yahay xildhibaan  qaran hadana wuxuu ku fadhiyaa kooto qabiil iyo mid maamul ama deegaan hadaba xildhibaankii 4 tii sano ee la soo dhaafay  aan wax door ah  ku yeelan horumrka, u doodida xuquuqdooda, difaacida deegaankiisa ama reerkiisa  ee dhex muquurtay siyaasado ka dhan ah  ama iska aamusay ee aan  maashaariicda horumarineed  aan wax uga raadin ee hadana  u soo taagan in 4 snao oo kale la siiyo wuxuu maanta mudan yahay in la yiraahdo  noomaadan daneyn ee waa naga daneysatay ee fadlan raali noqo.

Hadba si weydii ama weydii xildhinaankaagii 4 tii snao ee la soo dhaafay arimahan wuxuu ka qabtay?

  1. Mashaariic uu soo dhiciyey degaanka majirtaa?
  2. Minxooyin wax barasho oo uu u keenay ma jirtaa?
  3. siyasad ahaan ma matalay deegaankiisa oo ma u taagnaa ?

4.ma shaqo galiyey dhalinyaradda uu matalo oo dowlada wax ma uga raadiyey?

  1. tan ugu daran imisa jeer ayuu booqday dadkii soo doortay oo la sootashaday?

Hadaba intaas  oo ah inta ugu yar hadaad ka weysay  waad lug go’day ee yaan laguu celi muwaadin.

Muhiimadda xildhibaan loo doorto waa in uu matalo deegaan iyo dad ee ma’ahan in uu ku raaxeysto ama ku kaluumeysto xilkaas  mana ahan shirkad ganacsi  oo uu gar u leeyahay  xilka waxaa leh dad  soomaali ayaa horey u tiri nin xilqaaday eed qaad hadaba mudane garo waxa laguu geeyey booskaas.

Xildhibaankii intaas garowsan ama soo gutay waxaa xaqiiq ah in uusan 4 sano kale  soo hunguriyeyn doonin oo uu jecleysan doono in qof masuuliyadaas culus kala wareega uu yimaado laakin  ninka  asagu ku daneystay sheekadiisu waa dhadhanshaa waalan dhargaana ka daran mana leh miir oo waa kuwa qaarkood ayagoo   4 sano 8 sano 12 sano xilka soohayey hadana xoolo ku dhiibaaya sidii markale loogu dooran lahaa booskaas  oo xataa xanaaqaya hadey arkaan qof kale uu u sharaxan booskaas sida in dhaxalkiisi lagu hayto.

Hadaba muwaadin ha yeelin  4 sano kadib in halqado oo hotel laguugu sameeyo lagaaga qaato masiirkaagi ama  4 sno kadib  hal iskuul ama hal ceel oo aan hirgali doonin lagaaga sasabto xuquudaadi   maanta ayuu masiirkaagi gacanta kuugu jiraa ee dooro mid kula jiri doon inta uu xilka hayo ee ha dooran mid 4sano aadan arki doonin xataa taleefankiisana aadan  haleeli doonin.

Ugu dambeyn  waxaan kusoo gabagabeynayaa xildhibaankii  albaabka xirtayoow? ma maqashay aadan yabaal usoo aroor abaalna kuuma erganee!.

W/Q: Hassan H Ahmed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.