30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

AKHRISO 10-Qodob oo muujineysa in DFS aysan diyaar u aheyn inay qabato Doorashada la filaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta badan Xarumaha Dowlada ayaa si aad looga hadal hayaa in Dowladu ay sameyneyso wakhti kororsi hal sano ah, sababo la xiriira duruufaha taagan.

Xubnaha ka tirsan labada Gole ee Dowlada qudhooda ayaa qaba in Dowladu ay ku dhaqaaqeyso wakhti kororsi, iyaga oo sabab uga dhigaaya inaanu jirin wax qorsho ah oo arrintaasi la xiriira oo loo soo bandhigay.

Qaarkood ayaa muujinaaya in Beesha Caalmak qudheeda ay xili hore Dowlada ku wargalisay inaanu ku filneyn wakhtiga u harsan, balse loo baahan yahay ilaa iyo xad in xooga la saaro qabsoomida Doorashada.

Mas’uuliyiinta qaar ayaa tusaale kugu soo qaadanaaya inaanu doorasho jirin dhaqdhaqaaq la’aanta Dowlada iyo Howlihii muujin lahaa Doorashada oo aan muuqan xili wakhtiga uu gabagabo yahay.

Haddaba anaga oo arrimahaasi idil tixgalineyna ayaa waxaa inoo soo baxday 10 qodob oo muujinaayay inaanu doorasho dhici doonin, inkastoo aan xaqiiqda dhabta ah la ogeyn waxaana kamid ah:-

1-DFS oo aan wali diyaarin qorshaha doorashada.

2-Wakhtiga oo ciriiri ah iyo Madaxda DFS oo aan qabin wax degdeg ah.

3-DFS oo ku qeyla dhaamineysa inaanu jirin dhaqaale ay uga gudubto doorashada.

4-Ololaha lagu diyaarinaayo xildhibaanada cusub oo aan wali bilaaban xili wakhtiga harsan uusan ku filneyn diyaarinta Xildhibaanada cusub.

5- Guddoomiyaha BFS Jawaari oo dhowr jeer ku celcelshay in dastuurka dalka farayo xilliga la qabanayo doorashada, balse ay jiraan duruufo ka hor joogsan kara fulinta amarka dastuuriga ah.

6-Golayaasha dowladda oo aan qabin wax degdeg iyo dareen dheeri ah.

7- Madaxtooyada, xukuumadda iyo saaxiibadood madaxweynayaasha maamullada oo ah kooxda iyaga abaabushay xeer jajabkan lagu gelayo doorashada oo aan la arag wax u diyaarsan.

8-Madaxtooyada oo dhowr jeer sheegtay in dhaqaalaha doorashada aan gacanta ku jirin, islamarkaana ka shanqarisay in laga sugaayo Beesha Caalamka.

9-Dadaalka lagu yaqiinay dalka Doorasho ay ka dhaceyso oo aan muuqan.

10-Madaxda ugu sareysa dalka oo warbaahinta marinaaya Erayo muujinaaya inaanu jirin wax doorasho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News