Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxtooyada Somalia ay xadiday socdaalka badnaa oo ay ku bixi jireen Wasiirada DFS iyo Ku-xigeenadooda.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in qorshahaani ay si wada jir ah u dajiyeen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha BFS dabayaaqada Bishii tagtay.
Qorshahaani ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu soo hindisay Guddoomiyaha BFS, si loo yareeyo Safarada xad-dhaafka ahaa, waxaana la sheegayaa in xiligaani Madaxweyne Xassan uu awooda ugu badan siiyay Jawaari oo la daadihiya Siyaasada hoose iyo tan muuqata.
Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in Wasiirada u baxaaya Safarada dibadda ay marayaan Guddoomiye Jawaari oo isaga gacanta kula jira howlaha Wasaarada arrimaha Dibadda.
Madaxweyne Xassan oo wakhtiga uu gabagabo ka yahay ayaa kalsooni buuxda siiyay Jawaari isaga oo u adeegsada talaabooyinka uu wajiga ka dadbado, waxa uuna sidoo kale Jawaari gacanta ku hayaa dhammaan talooyinka Xassan Sheekh isaga oo si gaar ah u hantiyay Madaxweyne Xassan.
Tan iyo markii DFS iyo Maamulada dalka ay ku heshiiyeen qaabka doorashada dalka, waxa uu Madaxweyne Xassan awooda ugu badan ku wareejiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka isaga oo awoodaasi ka ilaalinaaya Siyaasiyiinta kale ee u taagan qabashada xilka madaxtinimo iyo kuwa iyaga taageerada u ah ee ka tirsan DFS.
Awooda DFS ayaa iminka ku dhex laalaabaneysa Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha BFS oo xiligaani saaxiib dhow ah, waxaana soo ifbaxeysa in labadaasi mas’uul ay ku shaqeeyaan howlihii loogu tallo galay qaar kamid ah Golaha Wasiirada, si ay u hakiyaan dhaqdhaqaaqa badan.
Arrintaani ayaa dareen gaar galisay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo isaga la sheegay inuu kamid yahay Musharaxiinta u taagan Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

