Akhriso bayaan: Hay’ada Culimada oo war rasmi ah kasoo saartay xaaladda ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya

Mudisho (Caasimadda Online) – Hay’adda culumada soomaaliyeed iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta

diinta iyo danaha ummadda kana duulaysa Axkaamta iyo ujeedooyinka Shareecada

islaamka ,kana welwelsan, si gaar ah ,khilaafka xooggan ee ka dhex taagan barlamaanka , waxay soo saaraysaa bayaankan soo socda:

  1. Hay’adda culimadu waxay xasuusinayaan xibnaha barlamaanka ee sharafta leh in ay

ku taagnaadaan kana run sheegaan dhaartii ay ku mareen magaca ilaahay in ay

ilaaliyaan danta dadka, dalka iyo diinta.

  1. Hay’adda culumadu waxay ugu baaqayaan dhammaan xibnaha barlamaanka,

guddiyadiisa iyo guddoonkiisa in ay ilaashadaan nidaamkii iyo xeer hoosaadkii ay

dhigteen kuna heshiiyeen. Nabigu صلى الله عليه وسلم)wuxuu yiri( شروطھم على المسلمون.(

  1. Hay’adda culumadu waxay ugu baaqaysaa dhaamaan hay’adaha dastuuriga ah in ay

is ixtiraamaan isna kaashadaan, wixii khilaaf ahna ku xallistaan si waafaqsan

.(فاتقوا الله وأصلحوا ذات بینكم)(الأنفال:1: (yiri wuxuu ilaahay.sharciga

  1. Culimadu waxay ka digayaan falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara In uu

dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ahaa qabyaalad, dulmi, danaysi iyo qof

.(ولا تنازعوا فتفشلوا وتذھب ریحكم)(الأنفال:46:(yiri wuxuu ilaahay . jeclaysi

  1. Culimadu waxay usoo jeedinayaan dhamaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan

faragelin shisheeye, dhowraana midnimadiisa iyo madax banaanidiisa.

  1. Culumadu waxay caddaynayaan inay diyaar u yihiin xallinta khilaafka taagan,

waxay bogaadinayaan soona dhawaynayaan dadaalada socda ee lagu xallinayo

khilaafka .

  1. culimadu waxay u dardaarmayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed in ay

ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda, kana

digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keenina kara tafaraaruq iyo

khilaaf.

Wa bilaahi towfiiq

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com