Maxaa kala socotaa 7 Shakhsi oo uu midkood noqon doono Ra’isulwasaaraha xiga ee dalka Itoobiya?

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra’isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas’uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.

Rai’salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii

Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya.

Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii uu noqon lahaa ra’isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya.

Isabahaysigan ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga ahayd.

Waa kuwaan toddobada nin oo u sharaxan jagada ra’isal wasaaraha ee itoobiya.

1. Lemma Magersa

Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO.

47 jirkaan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka oromiya.

Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah. waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahal la yeesho ururada mucaaradaka ah.

Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku farsiito kurigaasi oo mahan xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka.

2. Abiy Ahmed

Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo saadaalinayo in uu bedelo ra’isalwasaarhii hore.

Waa siyaasi caaqil ah sidoo kalana aqoontiisu sarreyso.

Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira muslimiin iyo masiixiyiin.

42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii.

Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Colonel.

3. Debretsion G Michael

Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay.

Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka aasaasay raadiye lagu magacaabo “Dimtsi Weyane”.

markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka ee Qaranka.

Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF iyo wasiirka warfaafinta.

4. Demeke Mekonen

Waa ra’isalwasaare ku xigeenka ee wadanka.

Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray kadib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada.

Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM.

Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF.

Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya.

5. Workneh Gebeyehu

Waa xubin ka tirsan xisbiga OPDO iyo wasiirka arrimaha Dibedda ee Itoobiya.

Waxa uu dhashay lixdameeydii waxa uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska ee Federaalka.

Dhamaadkii sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay wasiirka gaadidka jagadaas oo uu hayay muddo afar sanadood ah.

6. Siraj Fegessa

Waa wasiirka difaaca ee itoobiya .

Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinada marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro.

Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra’isalwasaarahii hore waxaana loo magaacabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga

7. Shiferaw Shigute

Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya.

Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra’isalwasaarihii xilka iska casilay.

Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa macalin ku biiray siyaasadda.

Dadka qaar ayaa sheegaya doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay gogol xaar u tahyay suurtagalnimada ah in uu noqdo ra’isulwasaaraha xiga ee itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com