Safar uu Madaxweyne Farmaajo Berri ku aadi lahaa Qadar oo baaqday si uu u xaliyo khilaafka Baarlamaanka

Muqdisho ( Caasimadda Online)- Wararka hadda kusoo dhacayo xafiiska warqabadka Caasimadda Online ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dib u dhac ku yimid safar uu madaxweyne Farmaajo ku aadi lahaa dalka Qadar maalinta Berri ah.

Sida xogta sheegeyso Madaxweyne Farmaajoo ayaa dib u dhigay safarkiisa maadaama uu jiro khilaaf weyn oo uu dhaxeeyi xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii lasoo gudbiyey mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku mashquulsan yahay sidii loo xallin lahaa khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana arrintaaa darteed dib loogu dhibay safar uu Madaxweynaha Berri ku tagi lahaa dalka Qadar.

Madaxweynaha ayaa dowladda Qadar la qaadan lahaa kulamo looga hadlayo xiriirka labada dowladood iyo sidii loo hormarin lahaa.

Khilaafkaan uu doonayo madaxweynaha ayaa yimid kadib markii Guddoomiye jawaari ay 107 xildhibaan ka gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku tuntay dastuurka Dalka u yaalo.

Maanta ayey aheyd markii ku dhawaad 100 xildhibaan ay Jawaari usoo jeediyeen inuu is casilo lamana ogo haddii uu aqbali doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com