Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doortay shank amid ah guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka kadib kulan xasaasi ahaa oo ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa.
Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa labaduba goob joog ka ahaa kulankaas ee xildhibaanada Baarlamaanka ku doorteen guddiyadaan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa shaqsiyaadka hoos ku qoran u doortay inay noqdaan:
- Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka
- Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Howlaha guud, Dekadaha iyo Gaadiidka,
- Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda
- Gudoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshisiinta iyo Hanti isu celinta waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi
- Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo loo doortay Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka
- Waxa kaloo la doortay shan guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayeyaal oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.
Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay Xildhibaanada doortaan saddex guddoomiye oo kala ah Guddiyada Kheyraadka dabiiciga, Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Beeraha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]