Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa soo saaray qormo oo ugu magac daray “shalay maanta ma ahan.”
Al-Cadaala ayaa waxa uu sheegay in meesha ka baxday cabsidii laga qabay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay maanta shacabka Soomaaliyeed yihiin kuwa qoriga qaatay oo Khawaarijta xabbad ku ridaya iyo mid dhiirigalinaya oo taakulada ka daba wada geesiyaasha ku jira dagaalka.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa tusaale usoo qaatay shacabka Godinlabe oo ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka gaarsiiyay taakulo ay iska aruuriyeen oo iskugu jirta xoolo nool, cunto bisil iyo caano.
“Ma waxa ay la tahay Khawaarijta ka kooban Ciyaalka marin habawsan in ay Bulsho sidaan isugu duuban uga adkaankaraan dhulkooda,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Hoos ka aqriso qoraalka Al-Cadaala;
Shalay Maanta ma ahan!
Shacabka Soomaaliyeed waxa ay maanta isugu jiraan mid qoriga qaatay oo Khawaarijta xabbad ku ridaya iyo mid dhiirigalinaya oo taakulada ka daba wada geesiyaasha ku jira eryidda Khawaarijta.
Kuwaana oo shacabka Godinlabe oo wiilashooda jihaadka kula jira Khawaarijta uga daba tagay furinta hore kuna wareejinaya taakulo ay iska uruuriyeen.
Ma waxa ay la tahay Khawaarijta ka kooban ciyaalka marin habawsan in ay bulsho sidaan isugu duuban uga adkaankaraan dhulkooda.
Ilaaheey fahamka umaddeenna halkaan gaarsiiyay ayaan u mahadcelinaynaa.
Maanta qofka ka hara dagaalka Khawaarijta waa in uu dareemaa ceeb iyo liidasho sababtoo ah wuxuu hagranayaa Naftiisa, Ubadkiisa, Ummaddiisa, Diintiisa, Dalkiisa iyo Dadkiisa.
Taariikhda ku gal in aad ka mid tahay kuwa Khawaarijta ka xoreeyay dalka.
Alle ayaa mahadsan.