AL-SHABAAB oo 50 qof ku gowracay dalka Mozambique

Maputo (Caasimadda Online) – Sida ay shaaciyeen warbaahinta wadanka Mozambique, in ka badan 50 qofood ayaa xasuuq wadareed loogu geystay gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Cabo Delgado, waxaana weerarkaan fuliyay kooxo hubeysan.

Warbaahinta wadanka Mozambique oo xiganaya ilo wareedyo aysan shaacin magacooda ayaa qiraya in kooxda falka geysatay ay laba weerar geysteen Jimcadii iyo Axadii, sidoo kale waxey sheegeen in dableydaan ay gacan saar la leeyahiin ururka Daacish.

Ururkaan waxaa la sheegaa in muddo 3-sano ah ay ka dagaalamayaan dalka Mozambique isla markaana ay dileen boqolaal ruux halka ay dad kalana ka barakaciyeen deegaanno dhawr ah.

Dadka wadanka Mozambique waxey kooxdaan u yaqaanaan Al-Shabaab, sidoo kalana ma jiraan wax xiriir ah oo ay la leeyahiin dagaalyahanada ka dagaallama qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Dowladda Mozambique waxey mar kale ballan qaaday iney tallaabo ka qaadeyso dableyda iyadoo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay ilaa iyo hadda u qaadeen.

Sidoo kale dowladaha dariska la ah Mozambique ayaa cambaareeyay ficilada ay sameeyeen dableyda, waxeyna u ballan qaadeen dowladda iney taageero diyaar ula yahiin.