AL-SHABAAB oo xalay howl-gal qorsheysan ka fulisay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan  isgoyska Fagax, kaas oo sababay dhimasho & dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku hubeysnaa Bistoolado ay weerar ku qaadeen mehrad yar oo ku taalla halkaasi, taas oo ku sugnaayeen dhalinyaro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, mehradda la weeraray ayaa waxaa lagu iibin jiray maandooriye, waxaana goobta imaan jiray dhalinyaro aad u isticmaasha maandooriyaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen ragga howlgalka fuliyay ku dhintay illaa labo dhalinyaro ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen labo kale oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ragga dilka fuliyay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray  ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Waa howlgalkii labaad oo Al-Shabaab ka fulineyo Muqdisho, ayada oo shalay shaacisay in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jira  Cabdiqaadir Carab, waxaayna kooxdu ay sheegtay in sidoo kale uu ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku u dhawaaqday in howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal weerarada ayka bilaabi doontomagaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay inay soo gaartay cabashada shacabka.

“Ciidankeena Muqdisho ka howl-gala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay waan kaa war haynaa oo waan kugu soo soconnaa, waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbad-keentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin,” ayuu yiri Afhayeenka dhinaca howl-gallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.