Daawo: R/W Xamza oo soo saaray amar saameynaya shacab badan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka hadlay daah-furka imtixaanka laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada ayaa soo saaray amar culus oo saameynayo in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka socday qoysaska degan goobaha danta guud ee waxbarashada ee ku yaalla Muqdisho iyo gobollada inay ka guuraan dhulalkaasi, si loogu adeego ardayda.

“Deegaanada la dagan yahay ee asalkooda ay lahaayeen hay’adaha waxbarashadu waxaan codsaneynaa meel kastoo waddanka la joogo caasimada ha ahaato ama dowlad goboleedyada dadka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay banneeyaan oo ay fursad siiyaan ubadka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Somalia.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay aad u xanuun badan tahay in qoyas dan yar oo aan heysan guryo kale laga saaro dhulkii ay daganaayeen muddada dheer, bale waxa uu shaaciyay in baahi ay keentay, isla-markaana wax lagu baran ubadka Soomaaliyeed.

“In qoysas daganaa muddo deegaan dhul iyo guryo kale aan waxba toona laheyn in laga bixiyaa way xanuun badan tahay, laakiin waxaa ka sii xanuun badan kii loogu talagalay inuu wax barto inuu bannaanka ku ciyaaraayo” ayuu hadalka sii raaciyay ra’iisu wasaaruhu.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay imtixaanka maanta dalka ka billowday ee laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay shaqaaleysiineyso wasaaradda waxbarashada, kaas oo ay u fariisteen illaaa 8,000 oo Macallin, kuwaas oo imtixaanka ku galayo illaa 11 magaallo.

“Waa maalin ay farxad u tahay waxbarashada Soomaaliyeed, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, uguna mahadcelinayaa wasaaradda dagaalka saameysay ee ku aadan dib u eegista hannaanka waxbarashada dalka,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale intaasi ku daray in 3,000 oo Macallin oo la shaqaaleysiiyo in ay wax badan ka beddali doonto waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

“Saddex kun oo Macallin inay lagama maarmaan ay tahay si ay wax u bartaan ardayda Soomaaliyeed aad iyo aaad ayay wasaaraddu ugu mahadsan tahay,” ayuu raaciyay.