Dowladda Soomaaliya oo digniin culus kasoo saartay arrin ka taagan xeebta CADALE

Cadale (Caasimada Online) – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay soo gaartay xogta haamankaasi, isla-markaana aan la aqoon waxa ku jira, taas oo walaac ku abuurtay dadka deegaanka oo ka shakiyay inay haamankaasi ku dhex jiraan waxyaabo kiimiko ah iyo sidoo kale sun.

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada dowladda federaalka Soomaaliya waxaa soo gaaray xogta in fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira laga helay degmada Cadale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ay ku howlan tahay in khubaro loo diro xeebta degmada Cadale, si looga sal gaaro waxa ku jira fuustooyinkaasi soo caariyay.

“Sidaas aawgeed Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada waxa ay sida ugu dhaqsaha badan qorsheyneysaa in ay koox khubaro u saarto arrintan.” ayay sii raacisay.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay la xiriirtay maamulka degmada, isla-markaana ay ka wada-hadleen in la xiro aagga ay yaalaan haamanka si loo ilaaliyo ilaaliyo baqabka caafimaad bushada ku dhaqan Cadale.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa farriin u culus u dirtay dadka deegaanka, waxayna ugu baaqday inay ka fogaadaan haamankaas, inta laga hubinayo waxyaalaha ku dhex jira.

“Waxaa dadka deegaanka la farayaa in ay ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jiro si loo ilaaliyo baqabka caafimaad ee bushada degan Cadale,”.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreyso ee xeebaha Soomaaliya lagu arko haaman soo caariyay, kuwaas oo halis ku ah bulshada, waxaana loo aaneeya dayaca biyaha Somalia.