Al-Shabaab oo ‘la wareegay’ deegaan u dhow duleedka magaalada Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay xalay la wareegeen deegaanka Ceel-Dheere oo hoostaga Dhuusamareeb, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Somalia & kuwa maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay si nabadoon ay kula wareegeen deegaankaas oo u dhexeeyo magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dhaq-dhaqaqaayadaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeyey labada dhinac laga dareemayey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.