Tigray-ga oo xalay weeraro culus ku qaaday magaalada ASMARA ee dalka Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex gantaal oo laga soo tuuray gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa habeenkii Sabtida ku dhacay caasimadda Eritrea ee Asmara, sida ay xaqiijiyeen ugu yaraan shan diblomaasi oo ku sugan gobolka.

Ugu yaraan laba ka mid ah gantaalaha ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha Asmara, sida ay xaqiijiyeen saddex diblomaasi oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Reuters.

Hoggaamiyaha Tigray-ga Debretsion Gebremichael ayaa Talaadadii sheegay in Eritrea ay ciidamo usoo dirtay dagaalka ayaga oo taageeraya  xukuumadda Abi Ahmed.

Wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Osman Saleh Mohamed ayaa beeniyey arrintan xiligaas, isaga oo Reuters u sheegay “Qeyb kama nihin dagaalka.”

Goor sii horreysay oo Sabtidii ah, xisbiga xukuma gobolka Tigrayga ee TPLF ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan bartilmaameedyo ku yaalla dalka Eritrea.

“Waxaan weerar gantaallo ah ku qaadi doonnaa magaalada Asmara iyo Massawa, si aan u fashilino dhaq-dhaqaaqyada militari,” waxaa sidaas yiri Getachew Reda oo ka mid ah hoggaanka TPLF. Massawa waa deked ku taalla dalka Eritrea.

Qaar ka mid ah dadka ka qaxay gobolka Tigray-ga ee yimid magaalada Hamdayat ee dalka Sudan ayaa Reuters u sheegay in deegaankii ay kasoo qaxeen lagu garaacay gantaalo badan oo laga soo tuuray dhanka Eritrea.

“Waxaa nalagu garaacay gantaallo laga soo tuuray dhanka xuduudda ee Eritrea,” ayuu yiri Naksiam Guru oo ah 22 jir soo qaxay oo hadda ku nool xuduudda.

“Inta ay ka istaagayaan weerarada lagu hayo dadka Tigray-ga, anagana weerarada waan sii xoojin doonnaa,” ayuu yiri Getachew.