Nin la qabtay isagoo rasaas u wada kooxda Al-Shabaab oo xukun adag lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun adag ku riday Nin la sheegay in lagu soo qabtay 218 xabo oo rasaasta qoriga AK47 ah, taasi oo u waday deegaanka Ceel-garas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Maxkamada ayaa sheegtay in Ninkaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali Gaas lagu helay inuu la shaqeynayay dagaalyahanada Al-Shabaab, gaar ahaan kuwooda ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada ay hore ugu soo oogtay eedeynta maanta loo xukumay, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada sida qeybta 60-aad.

Guddoomiyaha maxkamada ayaa ku dhawaaqay in maxkamadu ay Xasan Gaas ku xukuntay Shan sanno oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu helay dambigii lagu soo eedeyay. 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xukun-sane Xasan Cali Gaas Cali uu u furan-yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah, oo ka bilaabneysa maalinta uu xukunku dhacay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida, laamaheeda kal duwan ayaa inta badan xukuno kala duwan ku rida xubno ay sheegto in lagu helay inay gacan saar la leeyihiin argagixisada Al-Shabaab, oo dagaal adag kula jirta dowlada.