Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka WARSHEEKH

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dagaal khasaare geystay uu ka dhacay duleedka degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan deegaanka Xawaalo Odayaal oo 25 KM waqooyi ka xiga magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu socday muddo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen dadka aan la hadalnay.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa isku haya arrimo la xiriira muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi oo ay isku hayaan labada beelood ee dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oo weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo abaabul dagaal laga dareemayo halkaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii duleedka degmada Warsheekh lagu dilay dad isku qoys ahaa oo ay ka mid ahaayeen hooyo umul aheyd iyo labo caruur ah oo ay dhashay, dhacdadaasi oo salka ku heysay dilal la xiriira aano qabiil oo ka taagan halkaasi.