Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu saaka askari ka tirsan ciidamada dowladda qof shacab ah ugu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo loo geystay darawal Bajaajle ahaa ayaa ka dhacay wadada Wadnaha, gaar ahaan agagaarka isgoyska Siinaay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka iyo askariga oo watay mooto labo Lugaaley uu soo kala dhex-galay muran ku aadan seydka wadada ay isticmaalayeen, waxaana kadib rasaas uu adeegsaday askariga ay sababtay inay haleesho Bajaajlaha oo goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib.

Meydka ayaa sidoo kale goor dambe laga soo qaaday halkaas, iyada oo la geeyey xarunta laanta dambi baarista ee CID-da, si baaris loogu sameeyo falkaasi.

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ah ee ka mid ka ahaa darawallada ku shaqeysta mootada nooca loo yaqaano Bajaajta.

Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dilal ka geysta magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey dil uu shalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.