Al-Shabaab oo sii wadda beegsiga shacabka Hiiraan iyo caruur ay qarax ku dishay

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax ay dhulka ku aaseen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa haleelay saddax carruur ah oo isku qoys ah, dhacdadaan ayaa xalay maqribkii ka dhacday degaan lagu magacaabo Miircade oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxaan ayaa carruurta haleelay xilli ay wadada lagu diyaariyey marayeen, waxaana geeriyooday hal cunug, halka labadii kale dhaawacyo halis ah goobta looga qaaday.

Ehellada carruurtaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dhaawac daran Beledweyne lagu gaarsiiyey labadaas cunug, halka kii 3-aad uu goobta ku geeriyooday.

Dhamaan wadooyinka soo gala magaalada Beledweyne waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay miineeyeen, kadib markii kacdoon adag uu ka soo wajahay shacabka reer Hiiraan, waxaana dadka ku nool deegaanada gobolka Hiiraan soo wajahday cabsi iyo halis badan oo kooxda uga imaaneysa.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay cagta-cagta u saaray kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaano muhiim ah oo sanado badan ay maamulayeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda muujiyey cadaawad adag oo dadka reer Hiiraan ay u qabaan, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay kacdoonkaan, waxayna laayeen dad badan, sidoo kale waxay cunaqabateeyeen cid kasta oo deegaanadaas ku nool.

Inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne habeeno ka hor Al-Shabaab waxay ku laayeen in ka badan 20 qof, halka ku dhawaad 10 gaari ay dab qabadsiiyeen, falkaas oo aad looga argagaxay ayaa reer Hiiraan ku sii dhiira geliyey kacdoonka ay isaga xoreynayaan kooxda Al-Shabaab.