Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay askari maxbuus ah, hub culus iyo gaari ay ku furteen dagaalkii Aato

Xudur (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay sawirrada hub culus oo ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed ay uga furteen dagaalkii ka dhacay magaalada Aato ee gobolka Bakool.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay baahiyeen sawirrada askari maxbuus ah oo dagaalka ay ku qabteen iyo gaari Cabdi Bile ah oo astaanta ciidamada Itoobiya ay ku buufsan tahay.

Dagaalkii ka dhacay degaanka Aato ee gobolka Bakool oo dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, wuxuu ahaa mid aad u culus, oo aad ay isugu baaba’een dhinacyadii ay dirirtu dhex martay.

Al-Shabaab waxay guulo waaweyn ka sheegteen dagaalkaas, waxayna ka soo saareen bayaan ay ku sheegteen inay Aato ku dileen in ka badan 150 askari oo ciidanka Liyuu Boolis ah.

Sidoo kale maalin kadib dagaalkii Aato ka dhacay Jimcihii, kooxda Al-Shabaab waxay soo bandhigtay sawirrada tobanaan meyd ah oo ay ku sheegeen ciidankii ay laayeen ee Liyuu Boolis.

Hase yeeshee sheegashada Al-Shabaab waxaa meesha ka saaray masuuliyiinta maamulka magaalada la weeraray ee Aato, iyagoo sheegay in dhimashada dhankooda aysan 10 qof ka badneyn, sidoo kalena ay laayeen dagaalyahanadii magaalada soo weeraray ee Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada ay Al-Shabaab soo bandhigeen