Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday degmada BALCAD + Sawirro

Balcad (Caasimada Online) -Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro laga soo qaaday Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xoogan iyo uuro qarisay degmada Balcad oo ay saaka weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Qaasim Furdug oo ka warbixiyay weerarkan ayaa sheegay in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, ayna ka dileen illaa 11 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankaas cadowga ah waxaan kula dirirnay magaalada bannaankeeda, laakiin burburka waxaa keenay baaxadda qarax gaari oo ay soo adeegsadeen. runtii jab xoogan aa gaaray Khawaarijta 11 nin ayaa goobta looga dilay, dhaawacana wa ka badan yahay” ayuu yiri

Sidoo kale Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa dib u laabtay, kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobaha la weeraray.

Dhankooda milatariga Soomaaliya oo weli dhaq dhaqaaqyo wada ayaa haatan howlgallo ka wada agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.