Al-Shabaab oo weerar ku dishay mas’uul ka tirsanaa dowladda dalka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi ee dalka Kenya, kaas oo lagu dilay mas’uul ka tirsanaa dowladda dalka Kenya.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Mandera, iyada oo lagu dilay Maxamad Cabdi Axmed (Jaak) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii degaanka Cumar Jilacow.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in marxuumka ay weerar gaadma ah ku dileen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan, ayaa  shaacisay in bartimaameedka uu ahaa mas’uulka la khaarijiyey, isla-markaana uu weerarka u dhacay, sidii loo qorsheeyey.

Dhinaca kale ciidamada ka tirsan kuwa Kenya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxaana illaa iyo hadda ay wadaan baaritaano ku aadan weerarkaasi.

Maxamad Jaak oo ah mas’uulka la dilay ayaa waxaa ayaa xilkan loo magacaabay, kadib markii sidaan oo kale loo khaarijiyey mas’uulkii isaga horreeyey.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo ay ku beegsatay mas’uuliyiinta dowladda iyo ciidamada Booliska ee dalka Kenya.